Advertisements
Wararka

Booliska Spain iyo koox mudaaharaad dhigeysay oo isku fara saaray Barcelona…


Booliska Spain iyo kooxo mudaaharaad dhigayay ayaa maanta waxaa iska hor imaad uu ku dhexmaray magaalada Barcelona.

Dibad baxaan ayaa yimid iyadoo sanad ay ka soo wareegtay isku day lagu doonayay in afti loogu qaado sanadkii 2017-dii madaxbanaani uu gobolka Catalan uu ka qaato Spain.

Ciidamada ka hortaga rabshadaha ayaaa lagu daadiyay magaalada waxaana gacan ka hadal uu dhexmaray dadweynaha magaalada oo dhigayay mudaharaad ka dhan ah maamulka Madrid.

Calamo iyo astaan kale oo lagu soo xardhay calanka gobolka Catalan ayaa waxaa lulayay dibad baxayaasha.

Dhanka kale mudaharaadka ayaa markii danbe isku badalay gacan ka hadal kadib markii dhalooyin iyo dhagxaan lagu tuuray ciidamada kuwaasi oo iyagana si adag uga jawaabay,iyadoo si rasmi ah aan loo shaacin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxay muujinayeen koox u badan dhalinyaro kuwaasi oo lulaayay calanka gobolka iyaga oo ku qeylinayay madax banaani in ay doonayaan.

Laamaha amniga Barcelona ayaa dhankooda sheegay in ay xabsiga u taxaabeen tiro dhalinyaro ah oo lagu eedeyay in ay ku kaceen fal ka dhan ah sharciga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: