Advertisements
Wararka

Dowlada Mareykanka oo xirtay qunsuliyadii ay ku laheyd magaalada Basra ee Ciraaq…


Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay albaabada isugu dhufatay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada dekada leh ee Basra dalka Ciraaq kadib markii ay soo baxday hanjaabado ka dhan ah kooxo hubeysan oo taageersan xukuumada Iran.

Go,aankan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo ay cirka isku shareereyso khilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran kaasi oo ka dhashay cunaqabateynta dhaqaale oo maamulka Washington saaray Iran.

Xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa sharaxay arintaan waxaana uu ku celiyay in Iran ay qaadi doonto Mas’uuliyada weerar kasta oo lagu qaado danaha diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Ciraaq.

Talaabada lagu xiray qunsuliyada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Basra ayaa waxay ka dhalatay weeraro hoobiyeyaal ah oo horay loogu qaaday.

Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in aysan khasaaro ka soo gaarin shaqaalaha ku sugan magaalada Basra hoobiye yaashii lagu weeraray Qunsliyadooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: