Advertisements
Wararka

M/weynaha Turkiga oo Jarmalka ka furay masjidkii ugu weynaa qaarada Yurub…


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa daah furay masaajidka ugu waaweyn qaarada Yurub oo laga hirgaliyay magaalada Cologne.

Mr Erdogan oo booqasho rasmi ah ku jooga Jarmalka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada waxaa halkaasi la dhoobay ciidamo ka tirsan booliska si ay amniga u sugaan.

Dhanka kale mudaharaad looga soo horjeedo siyaasada madaxweynaha iyo dowladiisa ayaa ka dhacay magaalada Cologne.

Xaflada lagu daahfuray masjidkaan ayaa gabo gabo u aheyd booqashadiisa sadexda maalin oo kadib kulan quraac ah uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kula qaatay magaalada Berlin Ra’isul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Cologne Mosque

Labada dal oo xiriirkooda uu xumaa 2-dii sano ee la soo dhaafay ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta saaxiibnimadii ka dhexeysay iyo iskaashi dhanka dhaqaalaha labada dhinac.

Ms Markel ayaa sheegtay in ay isla garteen in la sii daayo muwaadiniinta heysta dhalashada Jarmalka ee ku xiran magaalada Ankara.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: