Advertisements
Wararka

Trump oo amar ku siiyey FBI-da in ay baaraan eedeymaha loo heysto Kavanaugh…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI inay baaraan eedeymaha faraxumaynta ah ee loo haysto ninka loo soo magacaabay inuu kamid noqdo garsooyaasha maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka, Brett Kavanaugh.

Guddiga cadaalada ee golaha aqalka sare ayaa mar sii horreysay Brett Kavanaugh u gudbiyey magacaabistiisa golaha guud ee Senate-ka kadib markii codku noqday 11-10.

Muddo toddobaad ah ayaa lagu dhagannaa ninkan, guddiga cadaalada ee golaha aqalka sare ayuu hortaggay si wax looga weydiyo eedeymaha loo jeediyay.

Garsoore Kavanaugh wuxuu hortaggay maxkamadda racfaanka, waa uu beeniyay eedeymaha ay u jeediyeen ugu yaraan saddex haween ah.

Khamistii, guddiga aqalka sare ayaa caddeymo ka dhagaystay Christine Blasey oo ah profesoorad ku takhasustay cilmu nafsiga oo sheegtay in garsoorahan uu faraxuumeeyay sanadihii siddeetamaadkii xilliggaasi ay labaduba da’ yaraayeen.

Garsoore Kavanaugh ayaa si caro leh u beeniyay eedeymaha,wuxuuna ka dhawaajiyay in uusan faraxumaynin Christine Blasey iyo qof kaleba.

Wuxuuna ku eedeeyay xildhibaanada ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga inay siyaasadeynayaan arrintaasi ayna doonayaan inay sumcadda ay ka haleeyaan.

Inkastoo Madaxweyne Trump uu amar ku siiyay FBI-da inay baaraan garsooraha, weli wuxuu sii wadaa inuu sii difaaco.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: