Advertisements
Wararka

Diyaarada dagaalka ee F-35 oo ah nooca ugu casrisan oo ku burburtay gobolka South Carolina…


Milateriga Mareykanka ayaa la kulmay khasaarahii ugu horeeyay ee barnaamijka diyaarada dagaal F-35 kadib markii ay ku burburtay diyaarad ka mid ah gobolka South Carolina.

Taliska ciidanka cirka ayaa sheegay in duuliyuhu uu ka badbaaday shilkaasi asaga oo aan waxba gaarin, waxay furtay baaritaano lagu ogaanayo sababta dhalisay burburka diyaarada.

Barnaamijkan diyaaradaha F-35 waa barnaamijka military ee ugu weyn ee noociisa adduunka.

Maraykanka ayaa rajaynaya in uu iibiyo ku dhowaad seddax kun oo nooca diyaarada F-35, waxaa sidoo kale la filayaa in barnaamijka uu socdo muddo soddon ama afartan sannadood.

Laakiin barnaamijka ayaa lagu dhaleeceeyay kharashka xad dhaafka ah iyo waxtarka diyaaradaha ee dagaalka.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in kharashka diyaaradda burburtay uu gaarayo 100 milyan oo dollar, Inkastoo qiimaheeda hoos u dhacay markii dambe 89.2 milyan dollar, ka dib markii Pentagon-ku uu ku duugay heshiis ah inay iibinayaan 141 diyaaradaha nooca F-35.

F35-.jpg

Milatariga Maraykanku wuxuu sameeyaa saddex nooc oo F-35.

F-35B ayaa weerarkii ugu horeeyey oo tijaabo ah lagu qaaday goobaha Taliban ee dalka Afghanistan, dhowr bilood kadibna ciidamada Mareykanka ayaa iclaamiyey soo saarida diyaarada dagaalka F-35 ii lightning.

Madaxweynaha Mareykank Donald Trump, ayaa ammaanay Diyaarada F-35, isagoo sheegay in cadowga “aanu arki karin,” laakiin dhab ahaantii ay muuqato, sida ay sheegtay shirkada sameysay diyaaradan Lockheed Martin, “Teknolojiyada sare ee lagu farsameeyey diyaarada ayaa ka dhigeysa mid dhib ku ah difaaca qalabka radar-ka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: