Advertisements
Wararka

Deegaanka Goofgaduud Buurey oo muddo gaaban labo gacan ku kala wareegtay…


Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay la wareegeen deegaanka Goofgaduud Buurey oo dhacda dhanka wadada aada degmada Waajid, una jirta Baydhabo illaa 30KM.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo watay gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaankaas xalay abaarihii 11:00, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankii ku sugnaa deegaankaas ee Maamulka Koonfur Galbeed ay isaga baxeen, ka hor inta aysan Shabaabka soo gelin deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka barqadii Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, kadib saacado ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga iyo ciidanka Koonfur Galbeed ay dib ugu laabteen deegaanka.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid degan, lama sheegin wax iska hor imaad ah, dadka deegaanka ayaa hadal haya gacan ku heynta deegaanka oo saacado gudahood labada dhinac isku bedeleen, iyadoo aanay wax rasaas ah dhicin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: