Advertisements
Wararka

Dowlada Turkiga oo ugu baaqday Jarmalka in ay u soo gacan geliyaan 136 qof…


Dowlada Turkiga ayaa ugu baaqday dhigeeda Jarmalka in uu u soo gacan galiyo 136 ruux oo lagu eedeeyay in door muhiim ah ku lahaayeen koox isku dayay afganbigii dhicisoobay oo bishii July ee sanadii 2016-kii ka dhacay Turkiga.

Wargeyska wax ku qora luuqada Ingriiska ee Hurriyet ayaa lagu soo daabacay in madaxweynaha Turkiga markii uu dib ugu laabtay magaalada Ankara uu saxafiyiinta u sheegay in Turkiga uu u gudbiyay diiwaan ay ku qornaayeen 136 ruux dalka Jarmalka si loogu soo gacan galiyo.

Recep Tayyip Erdogan ayaa warbaahinta u sheegin magacyada shaqsiyaadkan isaga oo warbaahinta uga cudur daartay in uusan kor ka aqoon.

Arintaan ayaa timid kadib booqasho sadex maalin qaadatay hoogaamiyaha Turkiga uu ku tagay dalka Jarmalka halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Angela Merkel,waxaana ay isla garteen labada dal in ay soo celiyaan xiriirkii ay lahaayeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: