Advertisements
Wararka

Haweenay meydka ninkeeda ku heysatay gurigeeda muddo sanad iyo bar dalka Jarmalka…


Xeer-Ilaalinta guud ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa iclaamisay Isniintii in haweenay jirta 73 sano ay meydka ninkeeda oo jiray 74 sano ay ku heysatay gurigeeda muddo sanad iyo bar.

Wargeyska “Bild” ee Jarmalka ka soo baxa ayaa xusay arrintan kol hore. Sida Xeer Ilaalintu sheegtay qof ka mid ah macaariifta qoyska ayaa dareen galay kadib markii uu arki waayay haweeneyda ninkeeda sanad iyo bar, kadibna wuxuu ku wargeliyey booliska si ay u baaraan arrintan 19 kii bishan september, Booliska ayaa tagay gurigii haweeneyda waxaa la weydiiyey in ay furto qol xirnaa iyaduna wey diiday, kadib xoog ayaa lagu furay waxayna halkaasi ka heleen meydka oo sariirta saaran asaga oo baaba’ay, xeer ilaalinta ayaa dalbatay in la baaro sababta dhimashada, laakin booliska baaray meydka ayaan ka helin wax muujinaya in dembi halkaasi uu ka dhacay.

Afhayeen u hadashay Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in ay dhici karto in haweeneyda wayeelka ah ay dhib ku aheyd ka tegida ninkeeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: