Advertisements
Wararka

Xildhibaanada wasiirada ah oo loo soo jeediyay inay ka tanaasulaan xubinnimada…


Iyadoo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dood kulul ka leeyihiin wax ka bedelka xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo Baarlamaanka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay soo jeediyeen in laga soo saaro qodob xakameynaya Xildhibaanada Wasiirada ah, marka ay timaado la xisaabtanka Xukuumadda.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise ayaa sheegay in Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta ay kala saarnaan jireen, si wanaagsan loo shaqeyn jiray, balse maanta illaa 70 Xildhibaan ay wasiiro yihiin, marka la damco in Xukuumadda la eedeeyo ama mooshin laga keenana ay difaacayaan, taasoo uu xusay inay caqabad ku tahay shaqadii baarlamaanka.

“Golaha fulinta iyo Golaha shacabka wey kala saarnaan jireen, si wanaagsan loo shaqeyn jiray, maanta haddii 70 ku dhowaad wasiiro yihiin oo la damco in la eedeeyo xukuumadda ama soo jeedin laga keeno, 70 xildhibaan baa kuu fadhida, miyaa aragtay waligiin wasiir leh Xukuumadda waxaas ku qaldan tahay, lama arag lamana sugayo, waxaa la daneynayaa kuraasta lagu fadhiyo, Wasiirada waa in la helaa qodob xeer hoosaad ah oo sheegaya in aanu dhaq dhaqaaqi karin, marka laga hadlayo qaladaadka Xukuumadda in Wasiir halkan ka istaago isagoo Xildhibaan ah Xukuumadda difaaco qodobkaas halaga fiirsado, marka ugu dambeysay waa inuu ka hadlaa oo Xukuumadda is difaaceyso”ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo soo jeediyay in Wasiirka Xildhibaan uu ka tanaasulo Xubinimadiisa Baarlamaanka ama aan cod ku yeelan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka oo dhan gacanta loo geliyay Wasiiradii Xildhibaano ah oo markey doonaan qalad isku difaacaya, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdadii Qalbi Dhagax oo wasiiro Xildhibaano ah ay Baarlamaanka iska difaaceen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: