Advertisements
Wararka

Kooxda Daacish oo sheegatay in ay ka dambeysay dilkii ka dhacay Boosaaso…


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo loo geystay dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in saddex ruux oo Kirishtaan ah la dilay, halka labo kale la dhaawacay magaalada Boosaaso ee Waqooyiga Soomaaliya.

Ma sheegin saddexda ruux ee ay dileen dalka ay ka soo jeedeen, hase ahaatee waxaa jiray dad ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya oo habeen hore lagu dilay meel lagu shaaho oo ku taal magaalada Boosaaso.

Kumanaan ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa sanadihii u dambeeyay tagay magaalada Boosaaso, iyagoo badankood u sii gudbayay dalka Yemen oo Tahriib dhanka Badda ku galayay, halka qaarkood ay shaqooyin ka helaan Boosaaso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: