Advertisements
Wararka

Marwada koowaad ee Mareykanka oo socdaal keligeed ah ku tagtay dalka Ghana…


Marwada koowaad ee dalka Mareykanka Melania Trump ayaa bilowday safar caalami ah oo ay ku mareyso dalal ku yaal qaarada Afrika kaasi oo ujeedadiisu tahay olole ku aadan waxbarashada iyo daryeelka caruurta.

Waxay socdaalkeeda ku bilowday dalka Ghana oo ku yaallo galbeedka Afrika halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Marka ay Garoonka diyaaradaha magaalada Accra ay ka caga dhigatay ayaa waxaa ay si toos ah durbadiiba u abaartay isbitaalka dhexe ee magaalada si ay ugu kuurgasho xaalada.

Waxay halkaas kula kulantay caruur yar yar oo ku dhashay isbitaalka iyadoo sidoo kale kormeer ku sameysay sida ay kalkaaliyeyaasha caafimaadka u siiyaan daawooyinka Nafaqada caruurta ku dhalata isbitaalka.

Waxaa sidoo kale ay qabatay wiil yar oo ay sawir la gashay ka hor inta aysan dib ugu celin hooyada dhashay.

Haweenka ku sugnaa isbitaalka ayaa waxay hadiyado kaalmo ah ka heleen marwada koowaad sida uu sheegay afhayeenka marwada koowaad ee Mareykanka Stephanie Grisham.

Ms Trump oo aan warbaahinta kala hadlin socdaalkeeda ayaa shanta maalin oo ay ku sugan tahay Afrika waxay tagi doontaa dalalka Malawi, Kenya iyo Masar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: