Advertisements
Wararka

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo…


Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay waxa ay ka dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolkaasi.

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday ayaa gantaallo culus la beegsaday fariisimo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin tuulooyinka ku dhaw degaanka Ceel-cadde.

Korneel Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay goobta la bartilmaameedsaday inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid yahay taliyaha amniyaadka Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay Korneel Cabaas duqeyntan inaanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay inay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

“Duqeyntu waxay aheyd mid lala eegtay kooxaha nabad-diidka Al Shabaab, waxaan ognahay inaanay dhib gaarin shacabka, balse waxaa lala beegsaday nimanka cadowga ah, dhimasho iyo dhaawac aya ku gaaray, goobta la bartilmaameedsaday waxaa ku sugnaa taliyaha amniga gobolka Gedo ee Shabaab”. Ayuu yiri Korneel Cabaas Gurey.

Marka laga soo tago hadalka Korneel Cabaas Gurey waxaa jira dad shacab ah oo duqeyntan xalay dhacday ku dhaawacmay, kuwaasi oo isla xalay la geeyay isbitaalka deegaanka Ceel-cadde.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha duqeyntan fuliyay, balse inta badan duqeymaha ka dhaca deegaanada Jubbaland waxaa fuliya diyaaradaha dagaalka Kenya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: