Advertisements
Wararka

Daljirow dalka yaa u maqan, dalxiis hadaad aaday dalka yaad ku haleysay…


Daljirkii Colombow daqiiqadaha igu yar, dal nimow ka maqan yahay daalan baan ahay,
Dastuur niman laheyno aan dacwoon karin baan ahay,
Dafada Haada Dawaca iyo Dhurwaa nin loogu deeqan ahay,
Daanyeerkuba waa yaqaan xeelad dagaal, duftow kiciyaa si looga dido,
Duqii Roobow waa kaa diyaar garoobay, Xasan Daahir iyo duul kalena wey soo daba socdaan,
Daljirow dalka yaa u maqan, Dugula la heysta maxaa Dooy ku geeyey iyo Diinsoor,
Dudumada aad fuushay dusheeda daba qalooc iyo abeeso duuban aa degen ee dareen u lahow,
Dambarka aad maaleyso, dalxiiska iyo daawashada Geella indhaha doogsada,
Ma dalkaa xuroobay, damaashaadka muxuu ahaa?
Daljirow dal iyo duunyo dooni baa la saaray hoos ka duleesha,
Dad kalaa la wareegay degma iyo gobol,
Degdeg hadaan looga gaarin ma laha meel dib loogu noqdo,
Difaaca ciidanka adiga diboloma ka qaatay darajo iyo ka gaaray meel sare,
Dalxiis hadaad aaday dalka yaad ku haleysay?

Qoraaga Eng. Jiraabay….

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: