Advertisements
Wararka

Dowlada Holland ayaa difaacday sii deysmada afartii Basaas ee Ruushka…


Xukuumadda Holland ayaa difaacday go’aankeeda ahaa in aanay xirin afarta nin ee Ruushka oo lagu eedeeyay iska daygii weerarka elektroniga ee nidaamka Ururka Caalamiga ee mamnuucida hubka kiimikada oo saldhigoodu yahay magaalada Hague.

Rai’isul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in looga shakisan yahay in ay ahaayeen basaasiin Ruush ah, waxaana lagu celiyey dalkooda, waayo lama ay kulmin baaritaan dembi.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ku biiray Netherlands iyaga oo ku eedeeyay Ruushka inuu mas’uul ka ahaa weerarro xiriir ahaa oo ka dhacay adduunka.

Ruushka ayaa diiday eedaymaha, iyaga oo sheegay: “arrintan in ay tahay olole dacaayad oo la soo abaabulay.

Go’aanka Netherlands ayaa yimid bishii April ee sanadkan in aan waxba loo raacan tuhmanayaasha, halka dowlada Mareykanka ay ku soo oogtay dacwad dembiyo afartaasi qofood iyo seddax xubnood oo kale, waxay sheegeen in ay ka mid yihiin sirdoonka militariga Ruushka.

Warar laga helayo magaalada Moscow ayaa sheegaya in safiirka Netherlands ee Moscow looga yeeray xafiiska wasaarada arrimaha dibada ee Ruushka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: