Advertisements
Wararka

Madaxa Booliska Caalamiga Interpol oo la sheegay in uu ku xiran yahay dalka Shiinaha…


Warar ayaa sheegaya in Mr. Meng Hongwei, oo ah madaxa Booliska Caalamiga ah ee Interpol, la xiray kadib markii uu ku noqday dalkiisa todobaadkii hore.

Madaxda Faransiiska ayaa furtay baaritaan ku saabsan in la waayey Mr.Meng, kadib markii qoyskiisa sheegay in uu ka lumay xiriirkii telefoonka tan iyo markii uu ka tagay xarunta INTERPOL ee Lyon, France, safar uu ku tagay Shiinaha todobaad ka hor.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa Jimcihii shalay sheegtay in xaaska Meng ay la xiriirtay booliska Lyon una sheegtay in uu lumay xiriirkii telefoonka ee ka dhaxeeyey labadooda tan iyo 25-kii September iyadoo booliska Faransiiska uu siiyey magangelyo xaaska Meng kadib markii ay heshay hanjabaadyo.

Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Meng uu marayo baaritaan ku saabsan eedeymo musuqmaasuq oo saraakiisha Xisbiga Shiinaha u soo jeediyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: