Advertisements
Wararka

Daraasad Caafimaad ayaa sheegeysa in Aspirin-ka uu yareeyo khatarta dhimashada kansarka…


Daraasad caafimaad oo British ah oo cusub ayaa tilmaameysa qaadashada hal kiniin oo asbiriin maalin kasta nooca (81 milligram heerkiisa), laga yaabo inuu hagaajin karo waxtarka daawaynta kansarka, waxay yareysaa khatarta in loo dhinto kansarka mindhicirka iyo kansarka qanjidhka kaadimareenka iyo kansarka naasaha.

Waxa daraasadan sameeyey cilmi baarayaal ka tirsan jaamacada Cardiff, waxaana lagu faafiyey joornaalka (PLOS One) ee sayniska.

Cilmibaarayaasha ayaa sharaxaad ka bixiyay in daraasadan iyo dhowr daraasad kale oo horey loo sameeyey lagu ogaaday doorka Aspirin ee daweynta kansarka, hadafka baarayaasha ee daraasadan cusub ayaa aheyd in la soo koobo natiijooyinka daraasadan si loo gaaro natiijooyin la isku haleyn karo oo sax ah.

Si ay u ogaadaan doorka aspirin ee dawaynta kansarka, kooxda baarayaasha ayaa dib u eegay natiijooyinka 71 daraasad, oo ay ka qeyb galeen in ka badan 120 kun oo qof, kuwaasi oo qabay cudurka kansarka noocyadiisa kala duwan, dadkaasi waxay bilaabeen in ay qaataan kaniiniga Aspirin iyadoo u sii dheer tahay qaadashada daawooyinka aasaaska u ah cudurka.

Daraasadaha ay dib u eegeen ayaa ka mid ahaa 29 daraasad oo kansarka mindhicirka, 14 daraasad kansarka naasaha iyo 14 daraasad kansarka qanjirka “prostate”.

Baarayaasha ayaa barbar dhigay xogta ku dhowaad dad gaaraya 400 kun oo qof oo qaba cudurka kansarka oo aan qaadan Aspirin iyo dawooyinka loo qaato kansarka.

Cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in cunista hal kaniini Aspirin maalintii oo la socda dawooyinka cudurka ee caadiga ah, waxay kordhisay isku celcelinta heerka qofka in uu noolaado iyo weliba wanaajinta waxtarka daaweynta kansarka.

Guud ahaan, daraasaddan ayaa shaaca ka qaaday in aspirinku uu kordhiyo badbaadada bukaanka qaba kansarka 20% -30%, marka loo eego kuwa aan qaadan Aspirin-ka.

Cilmibaarayaasha ayaa arkay in aspirinku uu yareeyo khatarta dhimashada kansarka mindhicirka 25%, iyo halista u dhimashada kansarka naasaha 20%, iyo halista u dhimashada kansarka qanjirka ‘prostate’ 15%.

Hogaamiyaha kooxda cilmi-baarista ayaa sheegay in “isticmaalka kuuro hooseysa oo aspirin ah ay ka hortagto cudurka wadnaha iyo stroke taasi waa wax la hubo, laakiin caddayntu waxa ay hadda muujinaysa in daawada laga yaabaa in dowr qiime leh ay ka qaadato daaweeynta kansarka.”

Wuxuu intaa ku daray in “natiijooyinka daraasaddan ay u qalmaan dood ballaaran sida haday arrintani tahay mid ku filan soo saarida talooyin lagu qaadanayo qiyaas yar oo Aspirin ah iyadoo la socota daawooyinka caadiga ee kansarka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: