Advertisements
Wararka

Mo Farah oo ku guuleystay tartanka orodka maratonka ee Chicago…


Mo Farah ayaa ku guuleystey tartanka orodka maratonka Chicago isagoo ka dheereeyay orodyahano caalami ah.

Farah oo tartanka orodka maratonka u ahaa kiisii saddexaad ayaa waxaa culeys weyn ku hayay orodyahano ka socday dalalka Kenya iyo Ethiopia kuwaasoo caan ku ahaa orodada maratonka hase yeeshee Mo Farah ayaa kiilomitirkii ugu dambeeyay orodkan 42km ah ka dheereeyay orodyahanadii kale gaar ahaan Mosinet Geremew, isagoo jebiyay rikoorkii u yiil orodyahanada maaratoonka ee qaarada Yurub.

“Aad ayay u wanaagsanayd inaan la tartamo ordoyahanada Galen iyo kuwa kalaba,”ayuu yiri Mo kadib markii uu xaqiijistey inuu guuleystey.

“Galen sanadkii hore ayuu guuleystey anigana aad ayay iigu wanaagsan tahay in aan sanadkan ku guuleysto.”

Mo Farah ayaa kaalinta koowaad ku galay orod dhan 2:05:11, halka uu Geremew uu kaalinta labaad ku galay 2:05:24 waxaana kaalinta 3aad soo cariirsaday Suguru Osako orod dhan 2:05:50.

Halka uu Galen Rupp oo ay isku macalin yihiin Mo Farah sanadkii horena ku guuleystey tartanka Maratonka Chicago uu galay kaalinta shanaad isagoo ku orday 2:06:21.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: