Advertisements
Wararka

Wasiirka Qorsheynta Somalia Jamal Maxamed oo ku guuleystay kursi Xildhibaan…


Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Garowe ayuu Wasiir Jamaal ku guuleystay 49 cod ka mid ah 51 Ergo ee dooraneysay Kursiga uu u tartamayay.

Musharaxa la tartamayay Maxamuud C/llaahi Maxamed ayaa wax cod ah helin, iyadoo uu xumaaday labo cod.

Horay ayaa loo sii hadal hayay in Jamaal uu ku guuleysan doono Kursigan, maadaama xildhibaankii ku fadhiyay Dhahar Cali Faarax uu iska casilay kursiga, loona magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Jabuuti.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo horay u soo noqday Ambassador ayaa hada noqonaya Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, marka la dhaariyo, Jamaal ayaa ka mid ah Wasiiradda ugu awooda badan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Kheyre iyo Saaxibada Madaxweyne Farmaajo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: