Advertisements
Wararka

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle oo ka laabtay mooshin ay ka gudbiyeen Waare…


Wararka ka imanaya xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaannada baarlamaanka dib uga laabteen mooshin ay dhowaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka oo ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kadib kulan ka dhacay magaalada Jowhar oo ay ka qeyb-galeen madaxda ugu sareysa maamulka iyo xubno ka tirsan labada gole ayuu ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed in dib looga noqday mooshinkii ay soo gudbiyeen xildhibaannada Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in markii ay arkeen xildhibaannada natiijada ka dhalan karta mooshinka iyo in aysan wax dan ah ugu jirin hormarka dadka iyo deegaanka intaba garwaaq-sadeen in ay dib uga noqdaan mooshinka.

‘’Mooshinka markii hore-ba ma aheyn mid cid gaar ah lagu colaadinayay, laakiin waxaa loo arkayay oo kaliya mid canaan ah oo la doonayay in shaqada maamulka lagu toosiyo, waxaan diyaar u ahay in aan dhageysto dhaliilaha ay soo jeedinayaan xildhibaannada lana saxo’’ ayuu yiri Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay.

Kulanka waxaa looga dhawaaqay go’aankan ay gaareen mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ku sugnaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo shalay deg deg ugu laabtay Jowhar, madaxweyne ku-xigeenka Cali Guudlaawe, guddoonka baarlamaanka, Wasirro iyo xildhibaannada maamulka.

Go’aankan ayaa noqonaya mid ka dhax baxay kulamo tan iyo markii uu madaxweyne Waare dib ugu laabtay Jowhar soconayay, waxaana muuqata in Hirshabeelle si hoose u xalisatay arrimaha dhaxdeeda ah, si meesha looga saaro khilaaf iyo is qab qabsi sababa bur bur ku yimaada hay’addaha maamulka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: