Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee DDSI oo markii afaraad maxkamad la soo hor istaajiyey…


Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta markii afaraad la soo taagay Maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhageysiga dacwada ayaa dib loogu dhigay 14 cisho, waxaana dacwad oogayaasha ay Maxkamadda weydiisatay in soo dhameystiraan eedeymaha loo heysto.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale ee la xiran ayaa loo heystaa fal dambiyeedyo ka dhan ah Bani’aadanimada.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in dacwad oogayaasha ay sii dalban karaan muddo hor leh, si ay u sii socoto Maxkamadeynta.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhowaan ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu cafis u fidiyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: