Advertisements
Wararka

Taliye hore oo ka tirsanaa militariga Masar oo lagu qabtay dalka Liibiya…


Taliye hore oo ka tirsanaa milatariga Masar oo lagu eedeyay in uu ka danbeeyay weeraro ka dhacay gudaha Masar ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amniga Liibiya ee ku sugan bariga dalkaas sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Hesham Ashmawi ayaa lagu qabtay maalintii shalay magaalada Derna oo 266 kiilo mitir u jirta magaalada caasimada ah ee Tripoli uga beegan dhanka galbeed sida uu sheegay afhayeen u hadlay Liibiya oo lagu magacaabo Ahmed al-Mesmari.

Muuqaalo ay soo bandhigeen ciidamada milatariga Liibiya ayaa waxaa ka soo muuqday Ashmawi oo dhiig wajigiisa ka muuqdo,waxaana ciidamada sheegeen in arintaan ay ka dhalatay intii lagu gudo jiray howlgalka lagu qabtay.

Waxaa sidoo kale milatariga Liibiya ay soo bandhigeen in sawir uu leeyahay ninkaan oo muujinaya xiligii uu ka tirsanaa milatariga Masar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: