Advertisements
Wararka

Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Africa oo kulan la yeelatay ergeyga Midowga Africa ee Somalia…


Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Africa, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka.

Wasiirka Ingiriiska ee Arrimaha Africa ayaa ku baaqday bixitaan tartiib tartiib ah oo aan deg deg aheyn kuna saleysan hadba awooda ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa ay booqatay xarunta booliska lagu tababaro taasi oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyado ka codsatay wadamada adduunka in ay sii kordhiyaan deeq bixintooda lacageed ee ku aadan AMISOM.

Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo Rai’isul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Africa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: