Advertisements
Wararka

Danjiraha Mareykanka ee QM Nikki Haley oo xafiiska baneyn doonto dhamaadka sanadkan…


Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Amb. Nikki Haley ayaa iska casishay xilkii ay heysay iyadoo dhamaadka sanadkaan si rasmi ah ay uga tagi doonto xafiiska.

Madaxweyne Donald Trump ayaa aqbalay is casilaada haweeneydan isaga oo kaga mahad celiyay waxqabadkeeda intii ay xilka heysay.

War murtiyadeed ka soo baxay aqalka cad oo uu ku saxiixnaa Trump ayaa waxaa uu sheegay in Ms Haley ay tahay ruux gaar ah oo wax wanaagsan u qabtay dalkeeda.

Haweeneydan ayaa lix bil ka hor waxay codsatay in ay shaqada ka tagto iyadoo sheegtay in ay dooneyso in ay qaadato mudo nasiino ah.

Mr Trump ayaa intaa ku daray in wada shaqeynta uu la lahaa Nikki Haley ay keentay in dhibaato badan lagu xaliyo.

Dhanka kale safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay oo xilka ka dageysa ayaa waxay beenisay in ay qorsheyneyso in sanadka 2020 ay u soo istaagto jagada madaxtinimo ee doorashada Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: