Advertisements
Wararka

R/wasaare Kheyre oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Sacuudiga Adel Jubeir…


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyadh, ayaa horudhac u ahaa kulan uu Ra’iisul wasaaraha XFS uu la yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Safar laba maalin ah ayuu ku joogi doono Ra’iisal Wasaaraha Somaliya dalka Sacuudiga halkaasi oo madaxda dalkaasi uu kula soo kulmi doono.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: