Advertisements
Wararka

Xildhibaanada Galmudug ee garabka Xaaf oo doortay Guddoomiye cusub…


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay gelinkii dambe ee shalay u doorteen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, Ismaaciil Cabdulle Axmad oo ka mid ahaa saddex musharax oo xilkaasi isu soo taagtay.

Doorashadan ayaa timid kadib markii hore ay qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug u sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen 137 mudane.

Musharaxiinta ku tartamay kursigan oo Saddex ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod, Xildhibaan Aadan Xaaji oo helay 37 cod iyo Xildhibaan Salaad Caynte oo helay 5 cod, wareegga Koowaad ee doorashada.

Wareegga Labaad inta aan loo gudbin ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee laga cod badiyay, waxaana sidaasi ay guddoomiye baarlamaan ugu doorteen xildhibaanada musharax Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod.

Isla xarunta baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa laba u kala jabay qeybta ku sugan Dhuusamareeb waxa ay ka amar qaataan madaxweyne Xaaf, halka qeybta kale ee joogta magaalada Cadaado ay hoostagaan madaxweyne kuxigeenka Maxamed Carabey.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: