Advertisements
Wararka

Daljirow dalka waxaa haligay damaaciga afweyn iyo dalaalka la soo diray…


Indhaweydba deel gabay matirin daayay oo dhigaye dibnahayga waatan kajaray toban diraacoode daa markaan iraahdaba waxbaa igu dirqiyi-uune
Dulmiguu jiraabey kadiday ee khalqiga diirada usaaray
Oo deelka maansada dowga ku iftiinshey
Ayaa idiirshoo Waan darsahayaaye
Ana deeleyda gabay bal-aan dacalka soojiito
Daljirow dulmigu waasoo taxnaa taniyo daauude
Duul haduu dulooboo diinta hanan waayo
Xaqa haddii ladaahoo
Daain la iloobo
Dastuur haddii laqaatoo
Diinta laga suulo
Daainbaa ciqaaboo
Daad kusoo rogo-e
Duf iyo waxay udhintaan
Doorsimaad xumo-e
Daljirow dalka waxaa haligay damaaciga afweyn
Dalaalka lasoo diray
Ee nagu dul meerahaya
Dawlad la aaminoo diiranaysa geedaha
Hadaba daljirow daain inuu nacaymsho mooyee saadaashu waa damag.

Mr. Axmed Farah

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: