Advertisements
Wararka

Musharaxiinta iyo siyaasiyiin Koonfur Galbeed oo ka walaacsan dib u dhaca magacaabista…


Musharaxiinta iyo qaar kamid ah xildhibaanada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku imanaya magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulan maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulkaas.

Muqtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo ay soo dhowaatay xilliga doorashada.

Hase yeeshee Musharax Muqtaar Roobow ayaa dhowaan wasaarada amniga dowlada federalka qoraal ka soo baxay lagu sheegay in uusan ka qeybgali karin doorashada Koonfur Galbeed,Hase yeeshee illaa hadda waxa uu ku adkeysanayaa Muqtaar Roobow oo xilal kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab inuu ka qeybgalayo doorashada.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhinaca ku yimid magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxda Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: