Advertisements
Wararka

Niman wajiyada qarsaday oo afduubtay maal qabeenka ugu da’da yar Qaarada Afrika…


Maxamed Dewji oo la sheegay in uu yahay maalqabeenka ugu da’da yar qaarada Afrika ayay niman wajiga soo qarsaday ku afduubteen magalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Sida ay Boolisku sheegeen Maxamed Dewji oo 43 jir ah ayaa laga afduubtay Hotel uu ku jimicsanayay caasimada dalka Tanzania.

Saddex ruux oo arrintaas lala xiriiriyay ayaa la xiray, labada ruux ee afduubka sameeyayna waxaa la rumaysan yahay in ay ajaaniib yihiin, sida ay booliisku sheegeen.

Ma cadda ujeedada laga leeyahay afduubka Dewji. Jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes ayaa ku warrantay in hantida Dewji ay gaarayso 1.5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dewji oo dadka deegaanku ay u yaqaannaan Mo ayaa lagu ammaanaa heerka uu ka gaaray ganacsiga.

Inkastoo falalka afduubka ay hore ugaga dhici jireen dalka Tanzania gaar ahaan siyaasiyiinta iyo dadka dhaliila dowlada ayaa tani waxa ay noqonaysaa afduubkii ugu horeeyay ee lala beegsado qof ganacsato ah.

Ganacsatada ayaan marnaba dareemin dhibaato dhinaca ammaanka ah iyadoo badankood aysan lahayn wax ilaalo ah, waxayna afduubka Dewji ka dhigtey mid ay ganacsatadu ka naxaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: