Advertisements
Wararka

Macalimiinta Mandera ee u dhashay gobolada kale ee Kenya oo cabsi soo wajahday…


Waxaa cabsi soo wajahday macalimiinta u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya ee ka howlgala ismaamulka Mandera ee gobolka Waqooyi Bari oo xuduuda la leh dalka Somalia.

Weerar habeen hore ka dhacay iskuulka sare ee wiilasha ee waaxda Carabiya ayaa waxaa ku dhintay laba macalin oo aan Islaam aheyn,halka laba kalena ay ka baxsadeen.

Arintaan ayaa walaac ku abuurtay barayaasha kale ee ku nool Mandera waxaana ay ugu baaqeen dowlada Kenya in ay u badasho gobolada kale.

Hogaamiye yaasha laga soo doortay Mandera gaar ahaan waaxda Arabiya ee degmada Lafey ayaa si kulul u canbaareyay dhacdadii habeen hore,iyaga oo dhanka kale ku eedeyay dowlada Kenya in ay dayacday amniga Mandera.

Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Kenya Fred Matiangi ayaa sheegay in dowlada ay adkeyn doonto amniga iskuulada ku yaal degaanada saaran xuduuda ay Kenya la wadaagto dalka Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: