Advertisements
Wararka

Maxkamada Militariga Masar oo xukun daldalaad ah ku riday 17 ruux…


Maxkamada milatariga Masar ayaa daldalaad ku xukuntay 17 ruux oo lala xiriiriyay sadex weerar oo dad ay ku dhinteen sanadihii 2016-kii iyo 2017-dii sida ay sheegtay Wakaalada wararka Masar ee MENA.

Maxkamada ayaa dhanka kale xabsi daa’in ku xukuntay 19 ruux oo kale,halka 10 ruux oo iyagana qeyb ka ahaa weeraradaas ay maxkamada qoorta u galisay xabsi 10 ilaa 15 sano.

Dhanka kale qareen ka tirsan ururada bulshada rayidka Masar oo lagu magacaabo Khaled el-Masry ayaa ku eedeyay dacwad soo oogayaasha milatariga in qareenada difaacayay dadkaan ay la xiriirisay in ay taageero u yihiin dagaal yahanada kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Dadkaan lagu riday xukunada kala duwan ayaa racfaan ka qaadan kara inta uu waqtiga ka idlaan.

Dagaal yahanada ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyada sadex weerar oo lagu qaaday kaniisado ku yaal Masar bilihii December iyo April ee 2016-kii iyo 2017-dii.

Weeraradaas ayaa waxaa ku dhintay dad Masiixiyiin ahaa oo ku sugnaa kaniisadaha la weeraray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4997 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: