Advertisements
Wararka

Dadkii ka barakacay magaalada Marka oo bilaabay in ay ku laabtaan guryahooda…


Dadkii dhawaan ka barakacay magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid.

Xasan Cumar oo ah gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa wuxuu sheegay in shacabka ay hadda intooda badan ku soo laabteen kuwa kalena la sugayo inay yimaadaan.

“Ammaanka magaalada Marka aad ayuu u wanaagsan yahay, dadkii waxay bilaabeen iney kusoo noqdaan guryahooda, waxaana ay yihiin kuwo si cabsi la’aan ah u imaanaya…dadka waxay usoo laabanayaan iyada oo la heshiisiiyey maleeshiyaadkii magaalada ku dagaallami jiray sidoo kalena magaalada ay hayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Xasan ayaa sheegay in maamulkooda uu kaalin weyn ka qaadan doono dib u dhiska magaaladaasi oo ku burburay dagaalladii dhacay.

Marka ayaa muddo badan ahayd furin dagaal, iyadoo xaafadaha qaar ee magaaladaasi ay mar hore isaga barakaceen shacabkii deganaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: