Advertisements
Wararka

Dembiilaha dadka laayey derejo haddii loo xiro, duliga iyo fusuqa dabeecad laga dhigto…


Daljirow deeleyda gabay daadihinteeda ma aqaan waxa igu dirqinaya
Dal dadkii lahaa duminayaan arka
Ducadii dad habaar ka doortaan arka
Dilka iyo boobka diricnimo dad moodan arka
Dulaalka iyo dawarsiga dowladaha shisheeye deeq bixiyayaasha caalamka dabeecad dad ka noqotaan arka
Dr. axmed Farah ba doodiisa ku daray deeq bixiye ma aha Ilaah
Deeleyda waa ka marsiiyey dowgey laheyd
Diinteena suuban haddii laga duwo dowgey laheyd
Dembiilaha dadka laayey derejo haddii loo xiro
Duliga iyo fusuqa dabeecad laga dhigto
Allaha daa’imka ciqaabtiisa iney soo deg degi daah igama saarne
Dadba ku nool dalka gaajada dilootay doofaarku u xalaal yahay
Doolarka magacooda lagu soo diro midba ku daara dhisto dufi haka raacde
Dibnaheyga qabso dacwada jooji haku daalin hadaan damco doc bey ka furmaan
Iyaga daldalma ana diiday ma oran karaan
Doodan waxaan u furay dumarka iyo rag inta u damqaneysa dadkooda iyo dalkooda
Ciilka la dibiray dagaalka iyo dilka Somaaliga diiday
Doonayo inu diro halkey ka dabacsan tahay siyaasada dalka
Dan maxaa noo ah
Dalka iyo diinta maxaan ku badbaadinaa
Da’yarta mustaqbalka dariiq wanaagsan oo lagu deydo ma u duwnaa
Damiin baan ahay hadaan doc ka dhaco yaan leygu deyan
Dooda iyo deeleyda noo furan

Mr. Abdulkadir Jiraabey….

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: