Advertisements
Wararka

Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona Itoobiya oo laga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga…


Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah Waraaqihiisa aqoonsiga, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay magacawday bilo ka hor.

Amb. Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu, oo shalay ku qaabilay Xafiiskiisa.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Itoobiya Dr. Mulatu Tshome oo safar ugu maqan dalka Turkiga.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ka mid noqday Safiiro dhowr ah oo xilka laga qaaday dhamaadkii sanadkii hore

Cali Shariif ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Faransiiska, halkaasoo laga soo bedelay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee la soo dhaafay magacawday illaa saddex safiir, inkastoo aanay si rasmi ah u shaacin, waxaa safiirada la magacaabay ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane oo aan weli laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsiga, C/risaaq Faarax Cali oo loo magacaabay Safiirka Qatar oo isna dhowaan laga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga, C/risaaq ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Cummaan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyay magacaabida dhowr Safiir oo aan weli lagu kala qorin dalalkooda, waxaana la hadal hayaa Safiirada cusub ee loo magacaabay dalalka Kenya iyo Sudan inay kala yihiin Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo C/risaaq Shoole, inkastoo aan iyana weli waraaqadahooda la soo aqbalin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: