Advertisements
Wararka

Taliyaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan oo istiqaaladiisa u gudbiyey M/weynaha…


Taliyaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha.

Sida lagu shaaciyay barta Twitterka ee NISA is casilaada Taliye Xuseen ayaa lagu sababeeyay arrimo u gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya inuu isku diyaarinayo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo inuu noqdo Musharaxa ay dowladdu wadato.

Xuseen Cismaan Xuseen ayaa horay Xildhibaanimadiisa uga tagay magacaabidii xilka Taliyaha NISA, kaddib markii la magacaabay bishii February ee sanadkan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: