Advertisements
Wararka

Thierry Henry oo loo magacaabay tababaraha cusub ee naadiga Monaco…


Naadiga Monaco oo ka dhisan Faransiiska Ligue1 ayaa u magacaabay ciyaaryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry iyo xulka qaranka Faransiiska tababarha cusub ee kooxda Monaco tan iyo 2021.

Henry oo 41 jir ah ayaa wuxuu caawiye tababare u ahaa xulka qaranka Belgium ee tartankii koobka addunka 2018 oo lagu qabtay dalka Ruushka. Wuxuu ka bilaabay xirfadiisa kubada cagta kooxda Monaco wuxuuna kula guuleystay horyaalka Faransiiska ee 1997.

Monaco ayaa haatan ku jirta qeybta hoose ee Ligua1 ee Faransiiska, waxaana tababaraha Leonardo Jardim la ruqseeyey khamiistii.

Henry ayaa sheegay markii uu saxiixay heshiiska ” qadarta waxay iga dhigay in aan ku bilaabo howsheyda tababarnimo halkan”.

Aston Villa oo Ingiriiska ka dhisan ayaa waxay dooneysay inay la soo wareegto Henry, oo u soo ciyaaray sidoo kale kooxaha Juventus iyo Barcelona, ​​islamarkaana xirfadiisa ciyaareed ku soo khatimay Red Bulls New York.

Wuxuu helay fursado uu kooxo kale ku tababaro sida uu sheegay laakin “Kooxda Monaco ayaa ah tan ugu dhow qalbigeyga, waan ku faraxsanahay fursadan, waana inaan u shaqeynayaa si adag,” ayuu yiri.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4996 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: