Advertisements
Wararka

Khasaaraha qaraxyadii shalay al-Shabaab ka geysteen magaalada Baydhabo oo kordhay…


Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay labo qarax oo mataano ahaa, kaasoo gelinkii dambe ee shalay Al-Shabaab ka geysteen goobo dadka isugu yimaadaan oo ku taal magaalada Baydhabo.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyootay labada qarax oo ay fuliyeen labo ruux oo naftood haligayaal ahaa oo isku qarxiyay goob ay dadka ku shaahayeen.

Labada Qarax ayaa waxaa u dhaxeeyay daqiiqado waxay ka kala dhaceen Maqaayad iyo Hotel ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo.

Dhaawacyada ayaa gaaraya illaa sodomeeyo ruux, waxaana qaarkood la sheegay in aan waxba looga qaban karin magaalada Baydhabo.

Isbitaal-Roobow

Mukhtaar Roobow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dadkii qaraxyada ku dhaawacmay ku booqday Isbitaalka baydhabo, waxaana uu ku baaqay in gurmad loo fidiyo.

Waxaa uu sheegay in qaraxyadan ay muujinayaan sida Al-Shabaab u doonayaan inay laayaan shacabka, waxaana uu xusay in qaraxyada Baydhabo lagu soo beegay maalin ka hor sanad-guurada qaraxii Isgoyska Zoobe ee 14 October.

Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, waxaana ay tilmaamtay inay bartilmaameedsatay goobo ay isugu yimaadaan Xildhibaanada iyo saraakiisha.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ku jirtay olole doorasho oo ay wadeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, oo bisha soo socota ay doorashadiisa dhici doono.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: