Advertisements
Wararka

Sanad guuradii 1aad ee qaraxii 14ka Oktober oo lagu laayey dad badan oo aan dembi laheyn…


Hal sano ayaa ka soo wareegatay qaraxii ugu cuslaa taariikhda ka dhaca Soomaaliya 14-October ee sanadkii 2017, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan shan boqol oo ruux.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ah ee loo yaqaano TM ayaa ku qarxay Isgoyska Zoobe oo aheyd goob mashquul badan, kuna yaalleen ganacsiyo kala duwan.

Saxmadii iyo dhismayaashii Isgoyska Zoobe ayaa waxaa hal mar uu isku bedelay sidii goob lagu dhuftay hubka nukliyeerka oo kale oo aan indhaha qaban karin.

Sanad kadib qaraxaas ayaa waxaa weli muuqda raadadkii uu ku reebay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii lagu waayay qaraxaas.

Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu ahaa qarax galaaftay dhammaan intii bulsho ee nooc walba leh ee Isgoyska ku sugnaa, waxaana goobtaas aheyd meel ganacsi walba uu ku yaallay.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb geli doona xus loo sameynayo dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaa saaka xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaa dadka ay socod ku tagi doonaan Isgoyska Zoobe, si ay ugu duceeyaan dadkii ku dhintay qaraxaas.

Qaraxaasi ayaan cidna sheegan laakin waxay lahaayeen calaamadaha ay adeegsadaan kooxda argagixisada al-Shabaab.

Sanad kaddib qaraxaas waxaa dad badan ay dowladda ku dhaliilaan in aanay jirin tallaabo laga bixiyay weerarkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6531 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: