Advertisements
Wararka

Belgium oo u dooratay duq magaalo qof madow ah kii ugu horeeyey…


Belgium ayaa dooratay markii ugu horeysay duq magaalo oo qof madow ah, oo ah aabaha dhalay ciyaaryahanka kubada cagta ee Belgium Vincent Kompany.

Pierre Kompany, ayaa loo doortay duqa magaalada Ganshoren ee magaalada Brussels, waxaana la siiyey magaca duqa magaalada.

Pierre Kompany ayaa yimid Belgium sanadkii 1975 asaga oo qaxooti ah, wuxuu ka soo jeedaa wadanka hadda loo yaqaano Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo.

Wuxuu siyaasada galay 2006 markaasi oo uu ka mid noqday xubin ka tirsan golaha degaanka degmada, kadibna wuxuu ku guuleystay kursi baarlamaanka gobolka Brussels sanadkii 2014.

Waxaa laga yaabaa in wiilashiisa aad ugu caansan yihiin aabaha, mid ka mid ah waa Vincent Kompany oo ah kabtanka Manchester City iyo xiddig ka mid ah xiddigaha reer Belgium.

Vincent walaalkiis, Francois, wuxuu u ciyaaraa koox ka tirsan Belgium ee KSV Roeselare.

Labada walaal ayaa si dhaqso ah ugu hambalyeeyey aabahood bogga Istagram-ka Vincent oo ku xiran dad gaaraya 1.6 milyan qof.

“Tani waa maalin taariikhi ah, waan kugu faaneynaa aabaheenow,” ayuu qoray Vincent.

Wuxuu ku daray ” Waa duqii magaalo oo madow ee ugu horeeyey dalka Belgium, tani horey ma u dhicin, waa arrin taariikhi ah, hambalyadeena aabow”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: