Advertisements
Wararka

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo al-Shabaab oo ka dhacay Dooynuunay…


Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab la sheegay in uu weli ka socdo qeyb ka mid ah deegaanka Dooynuunay.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidanka dowladda ku lahaayeen Dooynuunay, oo qiyaastii 30KM u jira Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay labo jiho ka weerareen deegaanka Dooynuunay, waxaana ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed la sheegay ina iska caabiyeen.

Dagaalka ayaa weli socda, iyadoo la soo sheegayo in gurmad ciidan oo ka baxay magaalada Baydhabo ay ku sii jeedaan Dooynuunay.

Al-Shabaab ayaa sanadkan gudihiis weeraray saddex jeer deegaanka Dooynuunay, waxaana deegaankaas dhowr jeer isku bedeshay gacan ku heynteeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: