Advertisements
Wararka

Meydadka Labo gabdhood oo Soomaali ah oo laga helay haro ku taallo duleedka Minneapolis…


Labo gabdhood oo Soomaali ah oo la la’aa illaa habeenkii jimcaha ayaa laga helay meydkooda haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Gabdhahan oo isku qoys ahaa ayaa lagu kala magacaabayay Zeynab iyo Xafsa, waxaa Booliska meydadkooda ka heleen gaari oo ku dhacay harada ku taal magaalada Cheska.

Xamza Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwo ka qalin jebiyay Dugsiga sare, isla markaana ay ahaayeen gabdho shaqeysta.

Waxaa uu sheegay in la waayay habeenkii jimcaha markii ay shaqo aadeen, waxaana socda baaritaan ku aadan qaabkii ay ugu dhacay gaadiidkooda harada laga helay meydadkooda.

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxaana ay ka dalbadeen Booliska in baaritaan dheeraad lagu sameeyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: