Advertisements
Wararka

Ragga u galmooda haween badan oo kala gedisan uu ku badan yahay kansarka qanjirka…


Daraasad cilmi oo Shiinees ah oo tooshka ku ifisay in ragga badsada dhaqdhaqaaqa joogtada ah ee galmada haween kala gedisan oo badan uu ku badan yahay cudurka kansarka qanjirka ‘prostate’, marka loo fiiriyo kuwa kale, hadaba ” daacadnimadu ma waxay xiriir la leedahay caafimaadka?”.

Daraasaddan ayaa lagu faafiyey journaalka “Inernational Society for Sexual Medicine” ee ku takhasusay cafimaadka jinsiga ama galmada, daraasadan ayaa kulmisay 15,000 oo bukaan ah iyo 40,000 oo qof oo caafimaad qaba.

Daraasadu ayaa waxay ku soo gabogabeysay in nolosha jinsiga ah ee deggan ay u fiicantahay caafimaadka qofka, halka ragga cudurkan qaba badankood ay yihiin kuwa caadeystay in ay u galmoodaan haween badan.

Daraasada ayaa sidoo kale sheegtay in qaadista cudurka kansarka Prostate ay hoos u dhaceyso haddii qofka u galmooda haweentiisa labo ilaa afar jeer todobaadkii.

Kansarka qanjirka ‘prostate’ waa midka saddexaad ee ugu badan ee keena dhimashada ragga, khubarada ayaa taasi ku sababeynaya in ay adag tahay in la ogaado cudurka waqti hore.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: