Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo u diray xoghayihiisa arrimaha dibada dalka Sacuudiga…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xoghayihiisa arrimaha dibedda Mike Pompeo u diray dalka Sacuudiga oo lagu eedeynayo dilka wariye Jamal Khashoggi oo dhawaan sida la sheegay lagu khaarajiyay gudaha qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Boqorka Sacuudi Carabiya King Salman ayaa amar ku bixiyay baaritaan gudaha laga sameeyo oo ku aadan maqnaanshaha weriyaha caanka ah ee Jamal Khashoggi iyadoo la sameeyay guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameeya qunuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul, halkaas oo ahayd halkii ugu dambeeysay oo lagu arko 2-dii bishii Octobar.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu boqor Salman kala hadlay arrinta Khashoggi, kaas oo ka soo horjeeday siyaasadaha boqortooyada Sacuudiga.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in boqorka uu iska foogeeyay eedeyntaasi oo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn maqnaanshaha weriyaha.

Khashoggi, oo degganaa Mareykanka kana sheeqeynayay wargeyska Washington Post ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga, halkaas oo uu raadsaday dukumiintiyo meher.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in maamulka ay aaminsanyihiin in lagu dilay gudaha qunsuliyadda kadibna laga saaray maydkiisa, eedeymahaasi oo uu Sacuudiga iska fogeeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: