Advertisements
Wararka

Arday loo qeybiyey macmacaan ku dhex jiray dambaska ayeeyo dhimatay…


Booliiska California ayaa baaraya warbixin sheegeysa in mid ka mid ah ardayad u qeybisay xalwiyaad ku dhex jirto dambaskii ayeeydeed dhimatay ardayda saaxiibadeed ah ee iskuullka.

Warbixinta ayaa sheegaysa in ardayda cuntay macmacaankaasi aanay ka warqabin waxyaabaha ku jiray.

Waxay wararku ay sheegayaan in mas’uuliyiinta California ay ka war heleen mowduuca iyaga oo ka ogaaday ardeyda iskuulka, laakiin ma aysan hubin macmacaankaasi inuu jiro iyo in kale ilaa hadda.

Maamulka Dugsiga Sare ee Da Vinci ayaa diiday in uu faallo ka bixiyo dhacdada, laakiin wuxuu sheegay kuwa ku lugta lahaa in ay “dareemeen murugo.”

Bilayska ayaa sheegay in macmacaanka lagu xardhay dambaska ayeeyo dhimatay oo la gubay wixii ka soo haray loo qeybiyey sagaal arday, laakin lama oga inta qof oo ku lug laheyd qeybintaasi.

Mid ka mid ah ardayda ayaa u sheegtay asxaabteeda kale ee cunay macmacaanka in uu ku jiray dambaska ayeeyo kol hore la gubay.

Maamulaha iskuulka ayaa ku sheegay warqad uu u diray waalidiinta ardayda “Khatar caafimaad kama jirto dugsigayaga ama mid ka mid ah ardaydeena,”.

Sarkaalka booliska ayaa u sheegay telefishanka CBS 13 in kiiska uu “dhab ahaantii uu la yaabay.”

“Tani waa wax aan caadi ahayn,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in ” baaris dheeri ah” loo baahan yahay si loo hubiyo in kuwa ku lugta leh loogu jeediyo eedo lagu qaadi karo dacwad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: