Advertisements
Wararka

Britain oo shaaca ka qaaday sara u kaca danbiyada ku saleysan naceybka diimaha…


Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in 40 boqolkiiba ay sare u kacday danbiyada ku saleysan naceybka diimaha ee ka dhanka ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay gaar ahaan Muslimiinta, labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 8,336 dhacdo oo ku saleysan danbiyo naceyb ah oo ku saleysan dhanka diimaha,laga diiwaan galiyay gudaha England iyo Wales.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in sagaal boqolkiiba ay falalkaan ka dhaceen Scotland,taasi oo laba jibaar ah,dhacdooyin ka dhacay sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii.

Danbiyadan ku saleysan naceybka diimaha ayaa waxaa ka mid ah cabsi galin lagula kaco Muslimiinta iyo fariimo hanjabaado ah oo loo diro dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolada UK.

Arintaan ayaa timid kadib markii UK ay ka dhaceen weeraro dad lagu dilay oo badi loo adeegsaday gawaari,oo horay ay u geysteen dhalinyaro Muslimiin ah oo gacan saar la leh kooxaha argagixisada,gaar ahaan dagaal yahanada daacish.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: