Advertisements
Wararka

Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Suuriya Staffan de Mistura oo shaqada ka tegaya…


Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u xil saaran arrimaha Suuriya Staffan de Mistura, ayaa shaaca ka qaaday in uu shaqada ka tagi doono dhamaadka bisha November ee soo aadan.

Diblumaasigan u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa waxaa uu noqday mas’uulkii  sadexaad ee Qaramada Midoobay u xilsaartay arrimaha Suuriya.

De Mistura ayaa dhanka kale sheegay in gudiga u xilsaaran arrimaha dastuurka uu hormuudka u yahay ay sameyn doonaan dastuurka Suuriya ka hor inta uu ka tagin shaqada.

Shaqsiyaadka laga yaabo in lagu badalo booska uu baneynayo danjiraha ayaa waxaa ka mid ah isku duwaha dhanka Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe Nickolay Mladenov iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Ciraaq Jan Kubic,sida ay warisay wakaalada wararka ee AFP.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: