Advertisements
Wararka

Guddiga diyaarin doona doorashada M/weynaha Koonfur galbeed oo la magacaabay…


Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye ayaa magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo Guddigan uu diyaarin doono doorashada dhici doonta bisha soo socota.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa soo saari doona jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo socota ee November, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay taagan yihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: