Advertisements
Wararka

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo beeniyey in uu magacaabay guddi doorasho…


Gudomiyaha golaha shacabka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu magacaabay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka.

Warqaddan oo saaka soo baxday ayaa waxaa ku qornaa ilaa 15 Xildhibaan oo la sheegay in loo magacaabay Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxa uu xusay in aysan weli ku dhawaaqin guddiga, balse ay rajeeynayaa in dhawaan ay si rasmi ah u shaaciyaan gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa geli doonta Doorasho bisha November ee sanadkan, ayadoo magaalada Baydhabo ay ku suganyihiin inta badan musharixiinta u tartameeysa hogaanka Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: