Advertisements
Wararka

Taliyaha Xoogga dalka oo sheegay in ay burburiyeen doonyo ay isticmaalayeen al-Shabaab…


Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay bur buriyeen doonyo ay isticmaalayeen Ururka Al Shabaab.

Shabaab ayaa doomahan u isticmaalayay inay isaga kala gudbaan Wabiga Shabellaha dhexe, waxaana uu sheegay hawlgal ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay ku guuleysteen bur burinta doomahaasi.

Indha Qarshe ayaa sheegay hawlgalka inuusan ka socon kaliya Gobolka Shabellaha dhexe, balse uu ka socdo illaa Gobolka Hiiraan oo qorshaha uu yahay in Shabaab laga sifeeyo.

“Doonyo waxay sameysteen oo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay, waxay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”. ayuu yiri Gen. Indha qarshe.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: