Advertisements
Wararka

Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo ka soo degay Mogadishu…


Waxaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi labo geesood ah oo ay horkacayeen wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiri doono wada hadal saddexda wasiirro arrimo Dibedeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ku dhaxmari doona magaalada Muqdisho, iyadoo horay wada hadallo noocan ah uga dhaceen magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.

Wafdiga ayaa sidoo kale arki doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo qeyb ka ah Madaxda wadda dadaallada Nabadda Geeska Africa.

Hoggaamiyeyaasha wadamada geeska Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay waday dadaallo lagu soo af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi bedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: