Advertisements
Wararka

M/weynihii hore ee Suudan Abdurahman Suwar al-Dahab oo ku geeriyooday dalka Sacuudiga…


Madaxweynihii hore ee dalka Suudan Abdulrahman Suwar al-Dahab ayaa ku geeriyooday isbitaal ciidan oo ku yaallo caasimada Sacuudiga Riyadh maanta oo khamiis ah, asaga oo lagu tilmaamay hogaamiyaha keliya ee carbeed oo awooda ka tanaasulay si iskiis ah.

Suwar al-Dahab ayaa xukunka Suudan kula wareegay afgembi militari, kadib markii kacdoon shacbi lagu riday xukunkii Madaxweyne Jacfar Numeiri bishii April 1985.

Madaxweyne Suwar al-Dahab ayaa xukunka joogay muddo hal sano ah, kadibna ku wareejiyey xukunka xukuumad la soo doortay oo hogaaminayey Ra’iisul wasaare Saadiq al-Mahdi, markaasi kadib Suwar al-Dahab ayaa ka fariistay siyaasada, wuxuuna u wareegtay shaqooyinka dacwada Islaamka asaga oo ka noqday madaxa munadamada dacwada Islaamka.

Suwar al-Dahab ayaa ku dhashay magaalada al-Ubeid caasimada Kordofan-ta waqooyi sanadkii 1935, wuxuu noqday sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida sanadkii 1955, wuxuu darajada ciidamada ka gaaray Marshal.

Wuxuu kaloo noqday taliyaha ciidamada Suudan iyo sidoo kale wasiirka gaashaandhiga xilligii xukunka madaxweyne Numeiri.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5210 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: